Wasiirka Warfaafinta oo Sheegeya Waqtiga SKA Laga Wareejinaayo Garoon Diyaaradah

0
903

MogadishuAirportNew2Kulankan Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi uu la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda SKA, Mas’uuliyiin ka socotay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu wado in dhawaan lagu wareejiyo howsha Garoonka Aadan Cadde iyo saraakiisha ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa u jeedkiisu ahaa sidii loo adkeyn lahaa amniga garoonka iyo in la xoojiyo wada shaqeynta madaxda garoonka.

Mudane Cabdullaahi CiilMooge Xirsi ayaa tilmaamay in kulanka diiradda lagu saaray sidii shirkadda cusub ee laga leeyahay dalka Turkiga loo siin lahaa goobo ay shaqaalahooda degaan iyo goobo kale oo ay dhigtaan qalabkooda.

“Shirka ujeedkiisa waxa uu ahaamid aan isugu yeernay in aan kala hadalno kordhinta wada shaqeynta iyo sidii 15-ka Sepmtemper garoonka lagu wareejion lahaa shirkad cusub oo laga leeyahay dalka Turkiga, taasi oo aan ka rajeynayno in ay wax badan ku sii kordhiso garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde” ayuu yiri Mudane Ciilmooge

Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa sidoo kale sheegay in madaxda maanta uu la kulmay uu ku wargeliyay in dowladda Soomaaliya aanu marnaba raali ka aheyn in dib u dhac ku yimaado howlaha garoonka.

“Waxaa noo qorsheysan in aan shir kale u qabano dhamaadka bishaan Shirkadda SKA iyo shirkaddan cusub, islamarkaana aan dusha sare ka eegno, teeda kale garoonka hadda waa mid caalami ah lagana qaaday cunuqabateyntii saarneyd 20-kii sano ee la soo dhaafay oo ay ku soo degi karaan diyaarado heer caalami ah” ayuu hadalkiisa u daray Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah ugu jirta horumarinta howlaha garoonka diyaaradaha caalamaiga ah Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

Midnimo