Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir oo ka warbixiyay Heshiiskii Addis Ababa

0
983

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir oo ahaa madaxii Ergada dowladda ee wada hadalada uga qeyb galay ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiska iyo muhiimada uu leeyahay, isagoo rajo ka muujiyay dhaqan galka heshiiska.

Faarax C/qaadir oo saxiixay heshiiskan ayaa sheegay in la isla gaaray in Axmed Madoobe uu si KMG ah u hogaamiyo Maamulka Jubooyinka, isagoo xusay in heshiiskaas uu u gogol xaari doono sidii dhibaatada jirtay looga gudbi lahaa.

“Heshiiska waa heshiis ka hadlaya afar qodob oo waa weyn muhgiim ah, mid waa arrimo ku saabsan Maamulka KMG ay yeelanayaan Jubooyinka, Arrimo la xiriira maamulka ilaha dhaqaale Dekeda iyo Air Porka, mid la xiriira nabadgelyada, ciidamada iyo dib u heshiisiinta”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir.

Mar la weydiiyay arrinta ku saabsan maamulka dekeda iyo garoonka oo ahaa qodob ka taagnaa muran weyn ayuu sheegay in markii hore aan la isku khilaafsaneyn inay tahay hanti ay leedahay Umada Soomaaliyed oo qarean ah, balse hab umada Soomaaliyed raali ka tahay loo maamulo, isagoo cadeeyay in wax shaki ah aan laga gelin dowladda ay mas’uul ka tahay arrimahaas.

“In dowladda mas’uuliyada ay qaadato muddo lix bilood gudahood kadib dowladda la wareegto Dekeda iyo Air Porka iyo Immigration loo magacaabo meelaha laga soo galo sida Air porada, dekedaha iyo xuduudaha, taas weeye ujeedada heshiiska”ayuu yiri Mr Faarax C/qaadir.

Faarax C/qaadir ayaa tilmaamay in arrimaha magacaabista ay wax badan ka dhiman yihiin, isla markaana si guud dib u heshiisiin looga hadli doono.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho lagu qaban doono shir dib u heshiisiin, kadibna shir kale lagu qabanayo Kismaayo, si dhisida maamulka laga howl galo, isla markaana ka qeyb galaan dadka deegaanka, maadaama uu xusay in labaatan sano ay colaad iyo dhibaato ka jireen gobolka.

 

Source: Jowhar.com

 

HeshiiskaDowladaSomaliyaIyo Jubaland20130829_10 HeshiiskaDowladaSomaliyaIyo Jubaland20130829_9 HeshiiskaDowladaSomaliyaIyo Jubaland20130829_8 HeshiiskaDowladaSomaliyaIyo Jubaland20130829_7 HeshiiskaDowladaSomaliyaIyo Jubaland20130829_6 HeshiiskaDowladaSomaliyaIyo Jubaland20130829_5 HeshiiskaDowladaSomaliyaIyo Jubaland20130829_4 HeshiiskaDowladaSomaliyaIyo Jubaland20130829_3 HeshiiskaDowladaSomaliyaIyo Jubaland20130829_2 HeshiiskaDowladaSomaliyaIyo Jubaland20130829_1