Weerar ay ku dhaawacmeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Sh/hoose oo ka dhacay Shalaanbood

0
989

Qarax20130616Dad Goob Joogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in xalay Qarax Miino uu ka dhacay Deegaanka Shalaanbood ee Gobolka Sh/hoose kaasi oo lala beegsaday Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya , Gaar ahaan kuwa ka tirsan Maamulka Sh/hoose ee dowladda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaari uu saarnaa Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Abtidoon Xalane iyo Xubno ka tirsan Masuuliyiinta dowladda ee Gobolka Sh/hoose.

Goob Joogayaasha ayaa intaasi kudaray in qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan uuna dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyay Askartii ilaalada u ahayd Masuuliyiinta Qaraxa lala bartilmaamsaday .

Warar ayaa sheegaya in Guddoomiye Ku xigeenada Maamulka Gobolka Sh/hoose qaarkood uu dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi.

Xiriir aynu la sameynay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Ammaanka Maamulka Gobolka Sh/hoose Axmed Cumar Mudane ayaa waxa uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo Qaraxaasi, isagoona ka mid ah Masuuliyiinta dhaawaca fudud uu ka soo gaaray weerarkaasi.

Shabelle