Xaalada Barakacayaasha ku nool Degmada Jalalaqsi oo Laga Deeyrinayo

0
1047

qaxootiXaalad nolol xumu ah oo aad u liidato ayaa soo wajahday qoysas barkacyaal ah oo ku nool dagmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan kuwaa oo dalbaday in la caawiyo.

Nolosha dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmada Jalalaqsi ayaa sii xumaaneysa marba marka ka dambeeysa maadaama Jalalaqsi ay ka mid ah degmooyinka ka tirsan gobolka Hiiraan ee wali ku jira gacanta haraadiga maleeshiyaadka Shabaab.

Qaar ka mid ah horjoogayaasha Kaamamka barakacayaasha ee ku yaala Jalalaqsi oo la soo xiriiray warbaahinta Qaranka ayaa ka codsaday dowlada in marka hore laga xoreeyo maleeshiyaadka Shabaab oo iyagu u diiday gurmadkii ay gaarsiin lahaayeen hey’adaha samafalka.

Dhinaca kale barakacayaasha ayaa sheegay in maleeshiyaadka Shabaab ay ku amreen ineysan u guuri Karin meelaha ay dowladu ka taliso si ay u raadsadaan nolol dhaanta tan ku heysata Jalalaqsi.

Barakacayaasha ayaa sidoo kale ka cabanaya dhibaatooyin dheeraad ah oo ay ku hayaan maleeshiyaadka Shabaab kuwaas oo sida ay sheegeen caruurtooda xoog uga kaxeysta si ay ugu adeegsadaan dagaallada fidnada ah oo ay ka wadaan dalka.

 

Radio Muqdisho