Xaalada deegaanka Qurac-joome oo degan, kadib 24-saac oo ay ku kala wareegeen Shabaab iyo dowladda

0
1051

Alshabaab1Xaalada deegaanka Qurac Joome ee Gobolka Bakool ayaa saakay degan, kadib markii shalay aroortii ay la wareegeen xoogag taabacsan Al-Shabaab, iyadoo deegaankan uu ku dhow yahay xuduuda Itoobiya.

Wararka laga helayo Qurac Joome ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe ay isaga baxeen Xoogaga Shabaab oo markii hore si nabad kula wareegay, iyagoo la hadlay dadka deegaanka.

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay shalay abaarihii 5-ta galabnimo ay isaga baxeen, isla markaana aanay fileyn in deegaankaas ay qabsadaan, maadaama ay tahay deegaan fog oo ku dhow xuduuda Itoobiya.

Ciidamo Itoobiyaan ayaa horay u imaan jiray deegaanka, waxaana ay sidoo kale aheyd xero lagu tababari jiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Qurac Joome ayaa u jira 90-KM degmada Ceelbarde, iyadoo deegaankan uu xigo dhinaca Hiiraan.

Source: Jowhar