Xaaladda Nololeed Ee Barakacayaal Ku Sugan G/Bakool Oo Laga Deyrinayo

0
993

qaxootiMas’uuliyiinta maamulka gobolka Bokool ayaa sheegay in xaalado bani’aadanimo ay ka jirto gobolka Bakool.

Qoysas barakacayaal ah oo ku nool degmada Ceelbarde ayaa lagu soo waremayaa in xilligan ay heysato duruufo dhinaca nolosha ah iyo caafimaad xumo sida uu ku waramay gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed.

Dadka ayaa ka soo cararay deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Bakool kadib markii ay u dulqaadan waayeen cadaadiska iyo dhibaatooyinka kaga imaanayay maleeshiyaadka Shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Gudoomiyaha maamulka degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa ka deyriyay xaalada nololeed ee dadkaasi isagoo tilmaamay ineysan dadku heysan cudnto islamarkaana aysan laheyn xarumo caafimaad sidoo kalena aysan jirin hey’ad gargaar oo dadkaasi wax u qabata.

Maxamed Macalin gudoomiyaha degmada Xudur ayaa ka digay in xaalada dadkaasi ay halis ku dhowdahay haddii aan deg deg loogu gurman, wuxuuna ugu baaqay hey’adaha gargaarka iney gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi si loo badbaadiyo nolosha dadkaasi barakacayaasha ah ee ku nool degmada Ceelbarde.

Radio Muqdisho