Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo u gaaray Garowe xalinta khilaafka dowladda iyo Puntland

0
927

Barlamaanka20130702Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, iyadoo Xildhibaanadan la sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay xalin lahaayeen khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Puntland.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo hogaaminayay ilaa tobaneeyo Xildhibaano oo maalmo ka hor ka degay Galkacyo ayaa u gudbay Garowe, si ay maamulka Puntland kala hadlaan sidii loo xalin lahaa xiisada siyaasadeed ee xilliga u dhaxeeya dowladda Dhexe iyo Maamulka Puntland.

Mar uu ka hadlay qodobo ka mid ah kuwa ay qoonsatay Puntland ayuu sheegay in dib u eegis baarlamaanka ka sameynayo, gaar ahaan Dastuurka, isagoo xusay inay jiraan qodobo qaar ah oo lama taabtaan sida midnimada Soomaaliya, xuduudaheeda iyo in aan Federaalka laga laaban karin.

Waxaa uu sheegay inay la kulmayaan madaxda Puntland si ay kala hadlaan arrinta ku saabsan xiriirka ay u jareen dowladda Soomaaliya, isla markaana ay doonayaan in xal laga gaaro waxyaabaha la kala tabanayo.

War saxaafadeed todobaadkii hore ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa lagu eedeeyay dowladda inay wax ka bedeshay dastuurka, ayna hurineyso colaado ka taagan gobolada dalka sida Jubooyinka, isla markaana xiriirka kala dhaxeeyay ay hakiyeen.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay warka ka soo baxay Puntland, waxaana lagu tilmaamay mid aan mas’uuliyad ka turjumeyn.

Source: Jowhar