Xoogaga taabacsan Al-Shabaab ayaa weerar hubeysan shalay gelinkii dambe ku qaaday deegaanka Galmagala oo ka tirsan magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Weerarkan ayaa dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.
War lagu soo qoray barta Twitter-ka ee Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in shalay gelinkii dambe abaarihii 5-tii galabnimo ee xilliga geeska Afrika ay ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta weerareen Galmagala, halkaasoo ay ku sugnaayeen Ciidamo Boolis ah.
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarka lagu dilay shan ka tirsan ciidamada Kenya, laguna gubay saldhig ay lahaayeen ciidamada oo deegaanka ku yaala, lagana soo furtay hub iyo qalab isgaarsiin oo bogga Twitter lagu sheegay in la soo qaniimeystay.
Xoogagii weeraray deegaanka ayaa lagu sheegay bogga Twitter-ka inay dib uga soo baxeen deegaanka, markii waqti kooban ay la wareegeen, isla markaana ka soo fara-xasheen weerarkii qorsheysnaa.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ku aadan weerarka ka dhacay Gobolka waqooyi Bari Kenya, iyadoo weerarkan aanu aheyn kii u horeeyay oo gudaha Kenya ka dhaco.
Kumanaan askari oo ka socda Kenya ayaa ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Kismaayo iyo deegaano kale, iyagoo qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta AMISOM, iyadoo wixii ka dambeeyay markii ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011 waxaa weeraro ka dhacayay gudaha Kenya.
Source: Jowhar