20 Soomaali ah oo lagu xiray Kampala

0
840

UgandaMapWararka ka imaanaya magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa sheegaya in ku dhowaad 20 qof oo Soomaali ah lagu xiray halkaas labadii casho ee la soo dhaafay.

Suldaan Cabdinuur Axmed Xalane oo xubin ka ah guddiga jaalliyadda Soomaalida ee dalka Uganda ayaa sheegay in dadkaas lugu soo qabtay howlgallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee dalkaas, waxaana lagu eedeeyay inay dalka ku joogaan sharci-darro.

Suldaanka ayaa tilmaamay in ay dowladda kala hadleen sii deynta dadkaas oo laga yaabo inay mutaystaan ganaax lacageed, wuxuuna Soomaalida Uganda u soo jeediyay inay qaataan sharciyadooda, ayna la shaqeeyaan ciidamada sugaya ammaanka.

Ciidamada Uganda ayaa la galiyay heegan, wixii ka dambeeyay weerarkii dhowaan lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, iyadoo dadka shisheeyaha ah ay dowladda ku wargelisay inay qaataan sharciyada ay ku joogaan dalka.

Source: Bar-kulan