7 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Qansax-dheere

0
1167
Markacadeey.com

Markacadeey.comUgu yaraan toddobo qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay deegaanka Koronbood oo qiyaastii 10 km dhinaca koonfur kaga beegan degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere Aadan Cabdi Qooqane oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in dagaalku uu dhacay kaddib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Ethiopia oo wada jira ay weerar ku qaadeen deegaanka Koronbood, oo ay gacanta ku haysay maleeshiyada al-Shabaab.

Qooqane ayaa intaas ku daray in deegaanka ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia.

Xaaladda deegaanka ayaa saaka ah mid degan, iyada oo ay caadi ku soo noqdeen howlihii caadiga ahaa ee deegaanka.

Source: Bar-kulan