Abuu Mansuur Al-Amriiki iyo labo xubnood kale oo saakay lagu dilay Gobolka Baay

0
913

AlamrikiSource: Jowhar.com

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Cumar Shafiiq Xamaami oo loo yaqaanay Abuu Mansuur Al-Amriiki iyo labo kale oo mid ka mid ah dhalashadiisa tahay Pakistani lagu dilay meel ka mid ah Gobolka Baay, iyadoo wararku ay tan iyo saakay ahaayeen kuwo aad isu soo tarayay.

Sida ay sheegayaan warar ay heshay Jowhar.com Abuu Mansuur Al-Amriiki oo dhowaan ku dhawaaqay inuu ka baxay Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ayaa lagu weeraray meel uu ku dhuumaaleysanayay oo ka tirsan gobolka Baay, isaga iyo rag kale oo la safnaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Iska hor imaad ka dhacay deegaan ka mid ah degmada Diinsoor lagu dilay Al Amriiki iyo nin kale oo lagu magacaabayay Usaama Al-Britaani.

Usaama Biritaani oo heysta dhalashada Ingiriiska ayaa asalkiisa waxaa uu ka soo jeeda dalka Pakistan, waxaana weerarka sidoo kale ku dhintay nin Soomaali ah oo aan magaciisa wali inoo suura gelin.

Xoogag hubeysan ayaa la sheegay in si taatikeysan ay u weerareen meel keyn ah oo uu ku dhuumaaleysanayay Abuu Mansuur Al-Amriiki, iyadoo la sheegayo in xoogaga weeraray ay iska dhigeen dad reer miyi xoolo dhaqato ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la qabtay nin lagu magacaabo Khadaab Al-Masri, kaasoo la tilmaamay inuu isa soo dhiibay.

Abuu Masnuur Al-Amriiki ayaa kol hore sheegay in naftiisa ay halis ku jirto, isagoo ku eedeeyay Hogaamiyaha Shabaab inuu doonayo inuu khaarijiyo, kadib markii ay is khilaafeen.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan wararka sheegaya in saakay la dilay Abuu Mansuur Al-Amriiki.

Bishii June ayay aheyd markii Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan lagu dilay degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, markii uu iska hor imaad ka dhacay, iyadoo ay muuqato in la soo afjaray garabkii ka soo horjeeday Amiirka Al-Shabaab.