Afhayeenka Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh C/qaadir Soomow oo sheegay in damiin lagu sii daayay

0
980

AhlusunaAfhayeenka Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh C/qaadir Soomow ayaa sheegay in xoriyadiisa uu dib u helay, kadib markii shalay lagu xiray xarunta hogaanka dambi baarista ee CID-da.

Sheekh C/qaadir Soomow ayaa sheegay in damiin lagu sii daayay, isla markaana uu damiintay Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hey’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

Mar uu la hadlay saxaafada kadib sii deyntiisa ayuu sheegay in sababta loo xiray ay tahay maxaad wax uga sheegeysaa Al-Shabaab.

“Aniga markaan eegay sababaha la igu xiray waxay tahay maxaad wax uga sheegtay Al-Shabaab” ayuu yiri Sheekh C/qaadir Soomow oo dhinaca kale sheegay in markii ugu horeysay ay tahay oo lagu xiro xabsi tan iyo Dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Sheekh Soomow ayaa ka mid ahaa Culimadii ka qeyb gashay shirkii ay soo qaban qaabisay dowladda ee looga hadlayay xal u helida Xagjirnimada, iyadoo shirkaas laga soo saaray fatwo ka dhan ah Shabaab.

Shalay ayay aheyd markii Taliska hogaanka dambi baarista uu u yeeray Sheekh C/qaadir Soomow, kadibna lagu xiray CID-da, kadib markii amar Madaxweyne lagu xiray.

Jowhar