Ahlu Sunna oo soo dhoweysay Twitter-kii laga xiray Al-Shabaab

0
845

Guddoomiyaha saddexda Gole ee Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa soo dhoweeyay tallaabadii shalay lagu xannibay cinwaankii ay Al-Shabaab ku lahayd bogga xiriirka bulshada ee Twitter.

Wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay dhabarjab ku tahay dayacaayadihii ay boggaasi ku fidin jirtay Al-Shabaab, oo halis ku ahaa ammaanka gobolka iyo kan guud ee caalamka.

Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa codsaday in laga hor is taago Al-Shabaab inay cinwaan kale ka sameysato Twitter.

Shalay oo Jimco ahayd ayaa la xannibay cinwaankii ay Al-Shabaab ku lahayd bogga Twitter ee af-Ingiriiska lagu qori jiray, inkastoo uu weli u shaqeeyo cinwaan kale oo afka-Carabiga wax lagu faafiyo.

Waa cinwaankii labaad oo Al-Shabaab laga mamnuuco bogga Twitter sanadkan gudihiisa.

Ahlusuna