Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dhismaha Westgate ee Magaalada Nairobi ayaa ku soo warramaya in Maalintii 4aad ay halkaasi weli heystaan dagaalyahannada Al Shabaab ee la wareegay 3 maalin ka hor halkaasi.
Rasaas iyo Qaraxyo ayaa weli laga maqlayaa xarunta sida Goob Joogayaal ay Shabelle u xaqiijiyeen, iyadoona Saraakiisha Ciidamada Kenya ay sheegayaan in inta badan ay la wareegeen dhismaha.
Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage (Cali dheere) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay iyo Ciidamada kale ee kaabaya ay isku dayeen in xoog ay ku soo jiiraan Xarunta balse ay weli iyaga gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay.
Iyadoo taa jirto ayaa dhanka kale waxaa weerarkaasi si kulul u cambaareeyay Madaxweynaha dowladda Mareykanka Brag Obama oo sheegay in weerarkaasi uu yahay mid argigixisanimo , ayna dowladdiisa dhanka amniga ka taageeri doonto dowladda Kenya.
Madxaweyne Obama ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkii Nairobi Kenya ka dhacay ee Al Shabaab ay Masuuliyaddiisa sheegteen.
Sikastaba Ciidamada Kenya oo Garab ka helaya Ciidamo kale oo Caalami ah ayaa Maalintii 4aad la tacaalaya ka saarista Al Shabaab dhismaha Westgate Mall ee Magaalada Nairobi Caasimada dalka Kenya.
Source: Shabelle