Al-shabaab ooo qoorta mas’uul ka mid ah dowladda Soomaaliya

0
863

AlshabaabBaraawa2Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramaayaa in gobalka J/hoose ay qoorta uga jareen mas’uul ka mid ah dowladda Soomaaliya, iyadoona faah faahin dheeraad ah la helaayo.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in ciidamada Al-shabaab ay si lama filaan ah ku qabteen gudoomiyahii deegaanka Shabaax oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afmadoow ee gobalka J/hoose.

Intaasi ay ka dib ayeey ninkaan madaxa sida xoolahii uga soo jareen, iyaga oo intaasi ka dibna la sheegay in meel banaan ah Meydka ay soo dhigeen.

Taasi ayaa waxay argagax aan caadi ahayn ku reebtay shacabka ku dhaqan halkaasi, waxaana bilawday kala carar, iyadoona shacabkii arkay Meydka mas’uulkaan aysan ilaa hadda meel isku sheegin.

Source: Warkii