AMISOM oo ka hadashay Saraakiil Ciidamadeeda ka tirsan oo Musuqmaasuq lagu helay

0
990

AmisomSpokesManXilli dhawaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda shaqadii laga joojiyay kadib markii lagu eedeeyay in ay si Musuqmaasuq ah u iibiyaan Sahayda loogu tala galay Ciidamada AMISOM.

Saraakiisha Shaqada laga Joojiyay ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidamada Uganda ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Uganda ka jooga Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Korneel Cali Aadan Xumud oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay Saraakiishaasi ay dowladda Uganda shaqada ka joojisay.

“ Tallaabadaasi waxba uma dhimi doonto Howl galka AMISOM iyo dadaalka ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Korneel Cali Aadan Xumud.

Si kastaba lama oga tallaabada dowladda Uganda ay ka qaadi doonto Saraakiishaasi marka laga soo tago shaqo ka joojinta ay ku sameysay.

Shabelle