Axmed Madoobe oo ka badbaaday weerar ismiidaamin ah iyo Madaxweyna Xasan Sheekh oo cambaareeyey weerarka

0
896

AxmedMadoobe20130911_1Bar-kulan – Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe) ayaa maanta oo Khamiis ah ka badbaaday isku day la rabay in lagu dilo kaddib markii qof isa soo miidaamiyay oo watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku dhuftay gaari uu saarnaa hoggaamiyaha.

Wafdi uu hoggaaminayo Axmed Madoobe ayaa barqadii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kaddib socdaal shaqo oo qaatay shan maalmood oo ay ku tageen magaalada Muqdisho.

Weriyaha Bar-kulan ee Kismaayo oo tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inuu arkay maydka shan qof oo u badan dad rayid ah.

Dad dhintay ayuu sheegay inay ku jiraan qaar ka tirsan ilaalada Axmed Madoobe.

In ka badan toban oo rayid ah oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Xaaladda magaalada ayaa kacsan, bandow ayaana lagu soo rogay. Sidoo kale khadka isgaarsiinta ayaa hawada laga saaray.

Weriyaha wuxuu sheegay inay dhici karto inay kororto tirada dadka ku waxyeelloobay qaraxa.

Gadaal ayaan idinkaga soo gudbin doonnaa faahfaahinta weerarka.

*********************

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cambareyey weerarkii lagu qaaday Hogaamiyaha Maamulka KMG Jubbooyinka

Markacadeey – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareyey weerarkii maanta lagu qaaday hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubbooyinka Mudane Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

“Dowladda Somaaliyeed aad ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu beegsaday kolonyadii Shiikh Axmed Madoobe. Waxaan leeyhay shacabka goboladda Jubooyinka si wada-jira meel ha oga soo wada jeestaan, dhagar-qabayaashu bartilmaameydsanaya shacabka iyo Madaxda. Alaaah ha u naxariisto intii dhimaatay, caafimaad deg deg ah ayaan u rajeenaynaa Insha Allaah dhamaan intii ay wax ku gaareen” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka Jubbooyinka iyo madaxdooduba lagu bartilmaamsado sida goboladoodu ay uga xorreeyeen Al Shabaab.

Ugu dambeyntii Madaxaweynaha ayaa yiri” naf-lacaariga iyo sii dhabar go’a kooxdan, waxaa jab ku sii noqday is-fahamka Umadda Soomaaliyeed”