Axmed Madoobe oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho

0
849

AhmedModoobe20130525Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho, taasoo noqoneysa markii u horeysay oo hogaamiyahan uu yimaado tan iyo markii Ciidamada Kenya sanadkii la soo dhaafay la wareegeen magaalada Kismaayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa ay maalinta berri ka qeyb galayaan xiritaanka shirweynaha qaran ee looga hadlayo mustaqbalka siyaasada Soomaaliya iyo sidii sanadka 2016 dalka doorasho uga dhici laheyd.

Axmed Madoobe ayaa shalay ka sheegay magaalada Kismaayo inuu booqasho ku tagi doono magaalada Muqdisho, isla markaana Madaxweynaha uu imaanayo Kismaayo, isagoo ku kaftamay in xataa hadii Madaxweynuhu mashquulsan yahay ay Kismaayo u soo wadi doonaan.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii magaalada Addis Ababa lagu saxiixay heshiis lagu soo afjaray xiisadii ka taagneyd magaalada Kismaayo iyo Maamulkii Jubaland, iyadoo qodobada lagu heshiiyay ay ka mid ahaayeen in Axmed Madoobe muddo labo sano hogaamiyo Maamulka Jubba, lix bilood uu maamulo Dekeda iyo Airporka Kismaayo.

 

Source: Jowhar