Wafdi uu hoggaaminayo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.
Wafdiga hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, xildhibaanno iyo siyaasiyiin.
Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa Bar-kulan u sheegay in wafdiga Jubba uu Muqdisho kula kulmi doono madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta gobollada Jubbooyinka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wafdiga Axmed Madoobe uu socdaalkooda ku saabsan yahay heshiiskii Addis Ababa lagu gaaray ee ahaa in Muqdisho iyo Kismaayo lagu qaban doono shirar dib u heshiisiin ah.
Waa markii ugu horraysay oo uu Axmed Madoobe safar ku aado magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay madaxweynaha maamulka Jubba.