Axmed Madoobe oo Muqdisho kula kulmay Sheekh Xasan Dahir Aweys

0
1487

AxmedMadoobeIyoXasanDaahirAweys20130910

 

Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubooyinka Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan.

Axmed Madoobe oo maalintii afaraad ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ugu tagay Sheekh Xasan Dahir Xarunta Nabadsugida Qaranka oo ah goob aad loo ilaaliyo oo uu ku xiran yahay Sheekha.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya kulankooda oo ay iskula soo qaadeen arrimo badan, iyadoo Axmed Madoobe laga soo xigtay in dowladda uu kala hadlayo sidii loo sii deyn lahaa.

Axmed Madoobe iyo Xasan Dahir ayaa labadaba ka mid ahaa Ururkii Xisbul Islaam, waxaana horay u ahaayeen saaxibo, hase ahaatee markii Axmed Madoobe soo hogaamiyay Ciidamada Kenya uu Xasan Dahir si kulul u cambaareeyay.

Dadka ayaa is weydiinaya sida xilligan dowladda ay ka yeeli doonto Xasan Dahir oo muddo saddex bilood gacanta dowladda ku jiro.

Jowhar