Axmed Madoobe oo u duulay Brussels iyo Nabadoon lagu diley Kismaayo

0
1265

AxmedMadoobeInMuqdisho20130908_1Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa u baqoolay dalka Belgium isagoo ka qeybgalaya kulanka loogaga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya madax badan oo ka kala socota qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Shirkan oo lagu wado in maalinimada Isniinta uu ka furmo magaalada Brussels ayaa waxaa loogu yaboohayaa dhaqaale loogu talogalay in dib u dhis loogu sameeyo dalka Soomaaliya.

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen nabadoon caan ah gudaha magaalada Kismaayo.

Raga gaystay dilkan ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobtii uu dilka ka dhacay.Nabadoonka la dilay ayaa waxaa magaciisa la oran jiray Gamadiid Nuur wuxuuna kamid ahaa odayaasha sida weyn looga yaqaano Magaalada Kismaayo.

 

Source: Jowhar