Bambaanooyin Xalay lagu weeraray Xarun Qaramada Midoobay ay ku leedahay Magaalada B/weyne

0
1003

QaraxMuqdishoWararka naga soo gaaraya Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in Fiidnimadii Xalay Weeraro Bambaanooyin ah lagu qaaday Xarunta Hay’adda Main Action ee Qaramada Midoobay Miino Saarista u qaabilsan ee Magaalada B/weyne ay ku leedahay.

Kooxahani oo aan la garaneyn Heybtooda ayaa illaa Labo Bambo ku weeraray Xarunta Hay’adda Main Action ay ku leedahaya Xaafadda Xaawo Taako Laanteeda Nuur Xawaad ee Magaalada Baladweyne, iyadoo qaraxyada kadib ay Rasaas xoogan Fureen ilaalada Xaruntaasi.

Weerarada kadib ayaa Goobta ay Xarunta ku taallo waxaa durbadiiba isku geedaamay Ciidamada Jabuuti iyo Kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo halkaasi Howl gallo ka billaabay.

Sikastaba Weeraradaani ayaa qeyb ka ah Dhibaatooyin Amni Xumi oo Maalmihii dambe ka jiray Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan , iyadoona weli Maamulka uu ka badin la’yahay wax aan ka aheyn in uu sheegayo in uu wax ka qaban doono dhibaatooyinkaasi Ammaanka caqabada ku ah ee ka jira Magaalada Baladweyne.
Source: Shabelle