Beledweyne: 16 loo qabtay dilkii nabaddoonka

0
881

BeledweyneCiidamada dowladda Soomaaliya ee magaalada Beledweyne oo howlgal dhinaca ammaanka ah ka sameynaya xaafadda Howlwadaag ee magaalada ayaa ku soo qabtay ugu yaraan 16 qof, kuwaas oo lala xiriirinayo dil xalay xaafaddaasi loogu geystay nabaddoon lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Maxamuud.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in wali ay socdaan howlgallada lagu baadigoobayo gacan ku dhiiglayaashi ka dambeeyay dilka nabad-doonka.

Marxuumka ayaa saakay lagu aasayaa qabuuraha Siigaalow ee duleedka magaalada Beledweyne.

Ma jirto cid ilaa iminka sheegatay dilka nabad-doonka, balse taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Hiiraan ayaa maleeshiyada al-shabaab ku eedeeyay dilalka qorshaysan ee ka dhaca Beledweyne.

 

Bar-kulan