War lagu qoray bogga Twitterka ee wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada booliska ay qabteen 10 qof oo lala xiriirinayo weerarka maalintii sedaxaad ka socda xarunta ganacsiga ee Westgate Mall.
Wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegay in booliska ay qabteen tobankan qof ee laga shakisanyahay, lana weeydiinayo su’aalana la xiriira weerarka ka socda Westagte Mall oo ay ku dhinteen in ka badan 60 qof oo shacab ah.
Ciidamada Kenya ayaa dagaal xoogan kula jiro kooxo argagixiso ah oo maalintii ku jira xarunta ganacsiga ee Westgate Mall,waxanaa ilaa maanta laga maqlayay xarunta rasaas iyo qaraxyo xoogan waxan la arkayay qiic madoow oo ka soo baxaya xaruntasi.
Ciidamada difaaca ee dalka Kenya oo qeyb ka ah howlgalka socda Westgate Mall ayaa sheegya in ilaa hada ay dileen sedax ka mid ah kooxaha aragagixisada halka kuwa kala uu dhaawac soo gaaray.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Josph Ole Lenku ayaa sheegay in ciidamada ay hareereeyeen xarunta Westgate Mall si aysan u baxsan kooxaha argagixisada ah ku jira xaruntasi.
Wararka laga helayo hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya iyo sarkaal ka tirsan sirdoonka wadamada reer galbeedka ayaa sheegaya in howlgalka ay qeyb ka yihiinka midka yihiin ciidamo ka socda dowlada Israa’iil iyo saraakiil ka socota wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka.
Howlgalka ayaa waxaa ciidamada Kenya uga dhaawacmay ilaa 11 askari oo lagu dabiibayo isbitaalka ciidamada ee Memorial.
Ciidamda difaaca ee dalka Kenya oo loo soo gaabiyo KDF ayaa sheegay in la soo badbaadiyay ilaa 200 oo qof oo shacab halka la daweynayo 65 qof oo dhaawac,waxana dhimashada ay cagacageyneesaa in ka badan 62 qof.
Radio Muqdisho