Ciidamo ilaalo Masuuliyiin ka tirsan DFS oo la qabtay iyagoo Miino Aasaya

0
999

Muqdisho20130905_1Ciidamada amaanka doowlada Federaalka ayaa maanta barqo cad qabtay Ciidamo ilaalo u ah masuuliyiin katirsan doowlada Soomaaliya oo Miino ku aasayay wadada laamiga ah ee u dhaxeysa Zobe iyo KM4.

Ragaan ayaa la sheegay ineey Miinada lagu hago Mobelka dhigayeen wadada laamiga ah dhinaceeda, waxaana arkay qaar kamid ah Ciidamada amaanka oo goobta ka ag dhawaa.

Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka dhacay weeraro qaraxyo ah, waxaana dhacdadaan ay muujineysaa in amaan xumada kajirta Muqdisho ay qayb weyn ka yihiin Siyaasiyiin doonaya ineey dhiiga shacabka mansab ku raadsadaan, islamarkaasna ay muujiyan in amaanka Muqdisho uu yahay mid aad u xun.

 

Source: Warkii