Ciidamo Xooga dalka ah oo ka soo gadooday Xeradii ay ku jireen

0
1161

CiidamaXoogaDalka20130624_2Ciidamo ka tirsan Xooga dalka Soomaaliyeed oo tababar ugu Xareysnaa Ex Warshadii Nacnaca ee degmada Wadajir ayaa saaka ka soo gadooday Xeradii ay ku jireen iyagoo soo aaday Xarumaha dowladda ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan iyagoo lugeynaya oo aan hubeysneyn balse ku labisnaa Tuutaha Ciidamada ayaa lagu arkay iyagoo boqolaal ah Wadada ka timaada Warshada Nacnaca ee soo marta Airportka kadibna ku sii baxay Wadada Afisyooni iyagoo ku sii jeeday dhinaca Madaxtooyada.

Qaar ka mid ah Askartaasi oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in ay u soo gadoodeen daryeel la’aan ku heysatay Xeradii ay ku jireen Muddo 9 bilood ah ,waxa ayna intaasi ku dareen in shalay Saxaafadda loo gudbiyay in la siiyay Mushaar dhan 300$ Ciidamadii ku jiray Warshadda Nacnaca taasina ay tahay been abuur , arrintaasina ay tahay sababta ay xerada uga soo baxeen balse ay qireen in mar qura la siiyay gunno muddo dhowr bilood ka hor ah.

Ciidamadaan ka soo gadooday Xeradii ay tababarka ugu jireen ee Ex Warshaddii Nacnaca oo Saaka soo maray Wadada hormarta Xarunta Radio Shabelle ayaa sheegay in tiradooda ay kor u dhaafeyso illaa 300 oo Askari.

Mar ay Shabelle weydiisay Ciidamadaan Hubkoodii ayaa waxa ay sheegeen in aan la siin wax hub ah , Ciidamadana Magacooda la yiraahdo sida ay sheegeen Ama I dil Ama I daa Maadaama ay yihiin Ciidamo aan hubeysneen.

 

Shabelle