Ciidanka dowladda oo la wareegay gacan ku haynta Mahaddaay

0
873

BakoolCiidanDowladaCiidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu Bar-kulan u xaqiijiyay guddoomiyaha degmada, Shariif Abuukar.

Kornayl Maxamuud Koronto ayaa hoggaaminaya ciidanka dowladda ee qabsaday magaalada, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada.
Dad ku sugan Mahaddaay ayaa Bar-kulan u sheegay in ciidanka dowladda ay la wareegeen magaalada iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sida la sheegay isaga baxday magaalada kaddib markii ay ka war heshay in lagu soo wajahan yahay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan mar uu booqday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe wuxuu sheegay in ciidanka dowladda ay dib u billaabi doonaan howlgallada al-Shabaab looga saarayo meelaha ay kaga sugan tahay dalka.

Kooxda al-Shabaab ayaa tan iyo bartamihii 2011 waxaa lagala wareegay inta badan magaalooyinka dalka.

Bar-kulan