Dad ku sumoobay caano ay cabeen oo la dhigay cisbitalka Daarushifa ee Muqdisho

0
868

Ambulance20130921Ilaa 15- qof oo ku sumoobay Caano iyo Hilib ay cabeen ayaa xalay la dhigay cusbitaalka Daarushifa ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo isugu jiray carruur iyo dad waaweyn.

Dadkan ayaa la sheegay iney ku sumoobeen Caano iyo raashin kale oo ay ka cuneen xaflad Alle bari aheyd oo ka socotay nawaaxiga Cisbitalka Martiini.

Sidoo kale dadkan ayaa waxa gurmad u fidiyay mamulka dagmada Xamarweyne iyo dad kaloo rayid ah, waxana la gaarsiyey markiiba Cisbitalka Darul-Shifa oo daryeel cafimaad loogu sameyay.

Xaaladda dadkan ayaa hadda u muuqata iney soo hagaageeyso kadib markii ay daryeel caafimaad ka heleen cisbitaalka Daarushifa.

Godoomiyaha dagamada Xamarweyne Cabdullahi Ibrahin Sahal Gardhuub oo ka mid aha mas’uuliyiintii gurmadka u sameeyay dadka sumoobay islamarkana Cisbitalka geeyay aya waxa uu warbahinta qaranka uga sheegay in xaalada dadkaasi ay soo hagaageyso.

 

Radio Muqdisho