Dagaal AMISOM iyo Al Shabaab ku dhexmaray Sh/hoose

0
1167

Amison20130729_1Dagaal u dhexeeyay Ciidamda AMISOM iyo Al Shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhecay Deegaanka yaaqbari weyne ee Gobolka Sh/hoose.

Wararka aanu ka heleyno Deegaankaasi Yaaqbari weyne ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalku uu ahaa mid xoogan , inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay gaar ahaan khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Gobolka Sh/hoose ayaa Muddooyinkii dambe waxaa ka dhacayay dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Midowga Afrika iyo Kuwa dowladda oo iskaashanaya iyo Kooxo ka tirsan Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

 

Shabelle