Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ku dhex maray gudaha Magaaladaasi Kooxo Hubeysan iyo Ciidamada Axmed Madoobe kaasi oo dhaliyay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay dhinacyadii dagaalamay.
Iska Hor’imaadka ayaa yimid ka gadaal markii Kooxaha Hubeysan ay weerar ku soo qaadeen Goob ku taalla Magaalada Kismaayo oo fariisin u aheyd Ciidamo ka amar qaata Hoggaamiyaha Maamulka Jubba ee KMG ah Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).
Ma cadda Khasaaraha Rasmiga ah inta uu la egyahay ee ka dhashay Iska Hor’imaadkaasi xalay Kismaayo ku dhex maray Kooxaha Hubeysan iyo Ciidamada daacada u ah Maamulka Axmed Madoobe.
Sidoo kale Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Jubba oo ku aadan dagaalkaasi.
Shabelle