Dagaallo Xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo

0
827

Kismayo20130608Qaar ka mid ah Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xalay Dagaallo Culus ay ka dheceen Garoonka diyaaradaha Magaalada kismaayo iyo Xarunta Jaamacadda Kismaayo.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib weerar ay ku qaadeen Kooxo hubeysan Fariisimo ay Ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin halkaasi .

Dadka ku sugan Kismaayo ayaa soo warinaya in mararka qaar la Maqlayay Madaafiic iyo hubka cul culus , iyagoo intaasi kudaray in ay jiraan Khasaaro soo kala gaaray labada dhinac iyo weliba khasaaro gaaray dadka rayidka ah.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Magaalada Kismaayo ka arrimiya iyo cid sheegatay Masuuliyadda weeraradaasi.

Shabelle