Dhagayso: Beesha Sade oo ka hortimid Shirkii Baydhabo ee maamul Samaynta

0
1202

JawaariInBaydhabo20130918_6Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac ka soo jeeda Gobolka Gedo oo dhawaan shir ka dhacay Magaalada baydhabo lagu sheegay in Gedo ay ku jirto Maamul u samaynta Gobolada lagu daray Gobolka Gedo kaas oo uu ku tilmaamay mid lagu qaldamay.

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac waxa uu sheegay in Qaar ka mid ah Gobolada Jubooyinka iyo Gobolka Gedo uu sheegay in uu ahaa mid lagu dag dagay aana lala tashan shirarka socda Magaalada Baydhabo.

Shirka Baydhabo ka dhacay iyo go,aamada ka soo baxay waa mid u gaar aha beelaha ku shiray Magaalada baydhabo isagoo ku tilmaamay mid dan gaar ah lag leeyahay, shirkaas uusan qusayn gobolada Gedo iyo qaar ka tirsan Jubooyinka.

Dhagayso Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac

 


      http://waasan.com/wp-content/uploads/2013/09/Xildhibaan-Nuur-Faarax-Jaamac-.mp3

 

Shir ka dhacay Magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka Baay uu goob joog ka ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Max,ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu sheegay in Maamul loo sameenayo 6 Gobol oo kala ah Golada Baay iyo Bakool, Gedo Sh/hoose, Jubada Hoose, Jubada dhexe loogu magac daray Koofurta Soomaaliya.

Gobolada la sheegay in maamulka loogu sameenayo magaalada Baydhabo oo ka kooban 6 Gobol waa kuwa qabaail badan oo kala duwan ay dagaan in tii badnayd dagaaladi sukeeyana laysku haystay sida Gobolada Shabellada Hoose, Jubada Hoose iyo Dhexe, Halka Gobolka Gedo iyo Baay iyo Bakool ay laba beelood gaar u sheeganayaan.

Source: Waasan