Radio Muqdisho – Barnaamijka kulanka Todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka SNTV ayaa looga hadlay weerarkii lagu qaaday dhismaha Westgate ee magaalada Nairobi iyo saameynta uu ku yeeshay Soomaalida ku nool dalkaasi.
Barnaamijka ayaa waxa marti ku ahaa oo ka qeybqaadanayay Barnaamijka Xildhibaan C/naasir Gaarane oo xubin ka ah gudiga ammaanka Baarlamaanka iyo Xasan Shiikh Cali oo ah aqoonyahan ka faalooda siyaasada kuwaas oo tilmaamay in mas’uuliyada mashaqada ka dhacday Westgate ay sheegteen Shabaab sidaasi darteed aysan saameyn ku yeelandoonin Soomaalida ku nool dalka Kenya.
Intii uu socday barnaamijka ayaa waxaa ka qeybqaadanayay dhageystayaal ku nool dalka iyo dibada kuwaas muujinayay sida ay uga xunyihiin xasuuqa iyo gumaadka ay maleeshiyaadka Shabaab ku hayaan ummada ku nool geeska Afrika gaar ahaan ummada Soomaaliyeed.
Dhegeyso qeybta 1aad:
Dhegeyso qeybta 2aad: