Dilal xalay ka dhacay Kismaayo

0
807

Kismayo20130608Saddex qof ayaa xalay oo Arbaco ahayd lagu dilay meelo kala duwan oo ka tirsan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Mid ka mid ah saddexda qof ee la dilay oo ka tirsanaa ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maydkiisa laga helay meel u dhow xeebta xaafadda Calanley.

Labada qof ee kale oo ahaa rayid ayaa lagu kala dilay xaafadaha Calanley iyo aargada.

Dilalka loo gaystay saddexda qof ayaa waxaa ka dambeeyey kooxo ku hubaysnaa bastoolado, kuwaas oo markiiba ka cararay goobaha ay ka fuliyeen falalka dilka ah, sida ay Bar-kulan u xaqiijiyeen goob-joogeyaal ka afeeftay in la shaaciyo magacyadooda.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidda ka dambaysay dilka saddexda qof iyo sababta loo dilay toonna, iyadoona aysan wali ka hadlin mas’uuliyiinta maamulka KMG ee Jubba.

Dilalka ayaa ku soo beegmay iyadoo xalay magaalada Kismaayo ay bandow ku soo rogeen ciidamada Maamulka Jubba, kaddib dilal ku salaysan aanooyin qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada.

Bar-kulan