Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in horjoogayaasha ajaanibta ah ee ka bar-bar dagaalamaya kooxda Alshabaab ay kaliya ku badbaadi karaan in dalka ay asiga baxaan, xilli qaar ka mid ah horjoogayaasha ay noloshoodu khatar ka soo wajahday Axmed Cabdi Godane.
Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in horjoohayaasha ajaanibta ah ee ka tirsan Shabaab ay ku badbikaraan oo kaliya iney dalka isaga baxaan, isagoo ku eedeeyay iney yihiin kuwa dalkeena keenay qaraxyada islamarkaana bedelay dhaqankii Soomaaliyeed.
‘’Waa dadka keenay fikradaha aan Soomaaliga aheyn waa kuwa dib u dhigay ummaddan Soomaaliyeed, weyna adagtahay si lagu aamino nin ummaddi dabka saartay laayay baabi’iyay, magac diin iyo islaanimana sheeganaya oo ka yimid aduunyada meesha ugu fog una yimid dalkeena dhibaateynta ummadda’’ ayuu yiri Ing Yariisoow.
Eng Yariisoow oo hadalkiisa sii wata ayaa hadalkii Abu mansuur Alamriiki ku tilmaamay mid uu marmarsiimo ku raadinayo wuxuuna intaa raaciyay in hadalkiisu uusan sameyneynin wax micno ah.
Hadalka Afhayeenka ayaa yimid xilli horjooge ka tirsan Shabaab oo dhalashadiisu Mareykan tahay laguna magacaabo Abu Mansuur Alamriiki uu sheegay inuu ka baxay Alshabaab isagoo ku calaacalay inuu naftiisa uga baqanayo horjoogaha ugu sareeyo Shabaab ee Alxmed Cabdi Godane.
Radio Muqdisho