Kulamo looga hadlayo sidii loo dhameystiri lahaa howlgallo ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed kula dagaalamayaan Isbaarooyinka yaala qaybo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa magaalada Marko ay ku dhexmareen mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Waxgaradka gobolkaasi.
Wafdiga ka socda wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee ku sugan magaalada Marka, maamulka gobolka Sh/Hoose iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ayaa ku mashquulsan sidii loo qaadi lahaa jidgooyooyinka wali ku harsan qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose, iyagoo arrintaasi kulamo kala leh odayaasha iyo waxgaradka gobolka.
Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay iney qaadayaan jidgooyooyinka wali ku harsan qeybo ka mid ah gobolkaasi iyagoo dhaqangelinaya go’aanada iyo awaamiirta dowlada
G/sare C/llaahi Maxamed Axmed oo ah Abaanduulaha guutada Shanaad ee ciidamada XDS ayaa ku hanjabay inay ciqaab adag marsiindoonaan ciddi lagu arko iyadoo jidgooyo dhiganeysa gobolka Shabeelaha hoose.
Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Cali Abtidoon Xalane ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka xuntahay ficilada guracan ee loo geysto dadka rayidka ah ee ku safraya deegano ka mid ah gobolkaasi, wuxuuuna intaa ku daray in talaabo sharci ah laga qaadidoono ciddii ka dhega adeygta awaamiirta dowlada.
Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa hore usoo saaray awaamiir la xiriirta qaadista isbaarooyinka yaala deeganno ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.