Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay dhex dhexaadineyso dowladda Soomaaliya iyo Puntland

0
908

Hailemariam20130907Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay dhex dhexaadineyso dowladda Soomaaliya iyo Puntland, kadib markii khilaaf xoog leh uu labada dhinac soo kala dhex galay, kaasoo sababay in Puntland xiriirka u jarto dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegne ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dhex dhexaadiyaan dowladda Soomaaliya iyo Puntland, kadib markii khamiistii uu kula kulmay Addis Ababa Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.

Hailemariam ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii labada dhinac ay isugu keeni lahaayeen, isla markaana labada dhinac is faham u gaari lahaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan sheegay inay la hadlayaan maamulka Puntland, isla markaana la fariisanayaan si wixii ay tabanayaan u xaliyaan.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa dhowaan ka sheegay Addis Ababa mar uu kula hadlay mid ka mid ah Telefishinada afka Soomaaliga ku hadla, in dowladda aanu wax wada hadal la furi doonin ilaa laga saxo waxa uu ugu yeeray qodobo laga bedelay dastuurka.

Sidoo kale waxaa uu maamulkiisa dhowaan qaadacay shirweyne qaran oo looga hadlayay aayaha Soomaaliya, kaasoo shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho, hase ahaatee waxaa shirka ka qeyb galay siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland.

Source: Bar-Kulan