Dr. Cali Saciid Faqi oo ah danjiraha cusub oo ay Dowladu u magacawday dalka Beljemka iyo E.U. oo wareegey xilkii safaaradda

0
1435

AmbAliSaidFaqiWaxaa xilkii safaaradda Soomaaliya ee Belgiumka iyo E.U. lagu wareejiyey danjiraha cusub Dr. Cali Saciid Faqi oo todobaadkii la soo dhaafey halkaasi tagey.

Dowladda Belgium iyo Ururka Europe (EU) ayaa ogolaadey in Dr. Cal Saciid Faqi uu safiir ka noqdo dalka Belgium iyo EU da oo xarunteeda yahay Brussels. Haseyeeshe safiirka uu sugaayo inuu waraaqihii aqoonsiga u gudbiyo Boqorka dalka Belgium.

Danjire Dr. Cali Saciid Faqi ayaa ballan qaadey inuu dadar gelin doono xiriirka ay dowladda Soomaaliya la leedahay wadamad reer galbeedka.

Sidoo kale waxa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Beljimka, Nederland iyo Luxamberg ku baaqeen iney wada shaqeyn buuxa ay siin doonaan danjire Dr. Cali Saciid Faqi.