Dukaamo Soomaali leedahay Oo dalka South Africa lagu boobay

0
950

SouthAfricaRobbingWararka ka imaanya Magaalada Port Elizabeth, ee dalka South Africa ayaa waxa ay ku soo waramayaan in ku dhawaad 10 Dukaan oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed lagu bililiqaysatay halka qaar kalana dab la qabadsiiyay.

Weeraradii ugu danbeeyay ee ka dhanka ah Ganacsatada Soomaalida ah ayaaa waxa ay timid markii xabsiga loo taxaabay Muwadin Soomaaliyeed kadib markii uu toogtay Qof kale habeenkii Sabtida ahaa.

Goob joogayaasha ayaa waxa ay Warfidiyeenada u sheegeen in uu Muran soo kala dhexgaly Wiilka Soomaaliga ah ee wax toogtay iyo qofka kale ee la toogtay.

Muwaadinka Soomaaliga aha ayaa waxa la filayaa in uu ka soo muuqdo Maxkamada horteeda sida Ilaha Buliisku ay Warbaahinta u sheegeen.

Ciidamada Boliiska ayaa loo daad gureeyay goobta si ay Amaanka gacanta ugu soo celiyaan.

Shabelle