Eedeymahii Guddiga Qaramada Midoobey u soo jeediyey Dr. Cabdisalaam Cumar iyo Bankiga Dhexe Soomaaliya oo kulligooda si weyn la beeniney

0
1113

CabdusalamCentralBankHay’ada caalamiga FTI Consulting Inc. iyo kooxo qareeno Mareekan ah oo loo xilsaarey iney baaritaan ku sameeyaan warbixintii guddiga Qaramada Midoobey ayaa si weyn u beeniyey eedeymahii loo soo jeediyey Gudoomiaya bankiga dhexe Dr. Cabdisalaam Cumar iyo Bankiga dhexe Soomaaliya oo lagu tilmaamey inuu ku shaqeeyo hab musuq-maasuq ah.

Hey’adda FTI iyo kooxaha garyaqaanada ah markii baritaan qoto dheer ah ku sameeyeen warbixinta QM qeybta Annex 5.2, waxey gunaanadeeyeen in warbixintu wax badani ka qaldanyihiin laguna kalsoonaan karin.

FTI iyo guddiga qareenada waxey sheegeen inta ay ku jireen baaritaankooda ay soo heleen cadeymo adag oo taageeraaya in lacagaha bankiga ay ku baxeen si waafaqsan sharciga, haseyeeshee guddiga Qaramada Midoobey ay iska indho tireen cadeymahaasi. Waxey sidoo kaloo sheegeen in Guddiga Qaramada Midoobey ineysan raacin qaabka cilmiyeedka caalamiga ah ee lagu sameeyo baaristaanada.

Guddiga isku dhafan ee ka kooban hey’ada FTI iyo Qareenada caalamiga waxay ugu dambeyntii gunaanad ku gaareen go’aan gabi ahaanba ka gedisan kii ay hore u soo saareen Guddiga Qaramada Midoobey, wana sida hoos ku qoran:

1. Bankiga Dhexe ee Somaaliya inuusan eheen mid ku shaqeeya musuqmaasuq.
2. Inuusan jirin habka la yiraahdo “Fadlan” in lacag aan lagu bixin.
3. In 72% lacagaha lagala baxey bankiga dhexe aan loo isticmaalin si shaqsi ah.
4. Lacagta ah $12.072,231 oo ay soo shubtey hey’adda PwC-Africa inta u dhexeysey May 2011 iyo April 2012 oo meel lagu ogyaha.

Dadka indha indheeya siyaasadda Somaaliya ayaa warbixinta Guddiga Qaramada Midoobey ku tilmaameen inuu yahay mid loogu tala galey in lagu haleeyo sumcada Bankiga dhexe iyo dowladda Somaaliya, ayna ka dambeeyaan dad Soomaaliyeed oo gacan saar la leh guddiga QM.  Waxeyna leeyihiin in ujeedada ka dambeysa ay tahay in lacagaha taageerida ah ee loogu tala galey dowladda Somaaliya ay maamulaan dad kale.

 

Warbixinta oo dhameystiran waxaad ka heli kartaa