Fanaanadda Soomaaliyeed Hibo Maxamed Cuddoon (Hibo Nuura) ayaa xalay bandhig faneed laga daba dhacay ku qabatay magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi ku soo bandhigtay Heeso si weyn loo jeclaystay.
Maamulak Gobolka Banaadir ayaa fanaanada ku dhiirigeliyay inay qabato Bandhigaas faneed, waxaana munaasabadaasi ka qeybgalay xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Banaadir, fannaaniin iyo dadweyne kale oo dhamaantood si weyn u jeclaystay Bandhigaasi faneed.
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ujeeddada bandhig faneedkaasi ay tahay in fannaanadda loo muujiyo abaalka iyo kalgacaylka uu u hayo shacabka Soomaaliyeed, in fannaaniinta ay ku soo noqdaan dalkooda, si ay u dhiirrigeliyaan horumarintiisa.
Fanaanada Hibo Nuura ayaa u mahadcelisay dowladda Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir, fannaaniinta iyo dadka Muqdisho.
Dhanka kale wasiir ku xigeenka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdishakuur Cali Mire ayaa u soo jeediyay fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha inay ku soo laabtaan dalkooda. Isagoo sheegay inay taasi ay tusaale u tahay nabadgelyada ka jirta Caasimadda Muqdisho.
Somaliweyn