Faroole oo yiri “Qudbadayda in la sii dayn waayo waxaa ka danbeeyay Xasan sheekh”

0
1029


DSC00077

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/rixmaan Faroole oo qadka Telfoonka kula hadlayay Boqolaal Jaaliyadiisa dibada ah ayaa waxa uu ka warbixiyay sida wax u dhaceen iyo sida uu u arko in aan la daawan Qudbadii uu ka jeediyay Shirkii Brussels waxa uuna yiri.

“Aniga iyo wafdigaygu waan ka qeybgalay shirka waxaana markii hore soo diyaarsanay wixii aan u gudbin lahayn madaxdii ka socotay Midowga yurub waxaana kala hadlnay arimo badan oo aan xog ogaal u nahay aadbana naloo so dhaweeyay, waxaan maqlay in aan la soo dayn qodbadi aan ka jeediyay shirka New Deal waxaana oran karaa waa shirqool ay soo maleegeen raga uu ka midyahay Ninka Muqdisho xukuma waase arin aan dib ugu raacan karno dadkii waday shirka oo ah salka wax walba oo shirkan ka dhaca uu ka unkamo waana arin inga oo dhan noo taala in aan Ogaano, waloow aysan culays nagu hayn” waxaa sida yiri Madaxweyne Faroole.

Faroole inkasta oo uusna ogayn in qodbadiisa la gooyay hadana wa uu ka xumaaday markii uu maqlay waxa uuna aad u raadiyay xaqiiqada warka ilaa qof walba oo la hadlo uu u sheegay xaqiiqada arintaasi.

Waxa ay jaaliyadu weydiiyeen sida ay rajo uga qabaan in dhaqaalaha loogu deeqay ay qeybtooda ku heli karaan mar hadii ay ka shaki qabaan maamulka dalka ugu sareeya, waxa uuna sheegay in dhaqaalahan aan cidna loo soo marinayn ee iyaga toos loogu keenayo isla markaana ay iyagu dabo gali doonaan.

Jaaliyada ayaa wax ka weydiisay doorashada Puntland ku soo fool leh iyo hadii laga raayo waxa uu samaynayo, waxana uu sheegay in uu aad u jeclan lahaa in uu xilka sii hayo inta uu dhamaystirayo waxyaabo badan oo sida uu xusay qabyaa, lakin hadii laga adkaado waxa uu sheegay in uu xilka ka dagayo balse uu u isku dayi doono in uu soo laabto.

Waxa ay jaaliyadu ka codsadeen in uu u dabacsanaado waxa ka soo baxa doorashada la filayo si loo helo isbdal iyo hanaan dimuqraadiyad ku salaysan oo jaaniska la siiyo dadka cusub.

 

 

Source: Warkii
Mohamed Nuur Ali
Nairobi-Kenya