Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa soo dhoweeyay fatwadii laga soo saaray shirkii Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, iyagoo ku baaqay in qodobada ka soo baxay shirkaas la dhaqan geliyo.
Bayaan ka soo baxay Golaha Sare culumaa’udiinka Ahlusuna Maanta oo Jimco ah ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyed ay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab oo qatar ku ah jiritaanka umada Soomaaliyeed.
“Waxaan soo dhoweyneynaa fatwadii ka soo baxday culumada soomaaliyeed ee ku shirtay magaalada Muqdisho 7-11 bisha September, shirkaan oo ahaa mishaakilaadka xagjirnimada waa taageereynaa qodobada ka soo baxay ee la isaga berri-yeelayo nimanka diinta, dadlka iyo dadka ku soo duulay”ayaa lagu yiri Bayaanka.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay caadeysatay baneysashada dhiiga dadka Muslimiinta, waxaana loogu baaqay shacabka in meel walba looga soo jeesto.
Culumaa’udiinka ahlusuna ayaa sheegay inay raali ka yihiin qodobada, ayna ka qeyb qaadanayaan sidii loola dagaalami lahaa fikirka xagjirinimada iyo ku talax taga diinta Islaamka ee laga faafinayo waxyaabaha aysan raaliga ka aheyn.
Fatwada Culimada
Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay Shirweynaha waxa ay fatwo ku bixinayaan:-
1- Kooxda Alshabaab waa koox baadiyaysan una taagan inay bulshada Soomaaliyeed baadiyayso, manhajka ay faafinayaanna waa mid khatar ku ah, diinta Islaamka iyo jiritaanka bulshada muslimka ah.
2- Dawladda Soomaaliyeed waa dawlad muslim ah oo aysan banaanayn in la gaalaysiiyo ama lala dagaalamo.
3- Kooxda xag-jirka ah ee Alshabaab waxaa ku waajib ah in ay Allaah uga tawbad keenaan fekerkooda qalloocan iyo falal-dembiyeedyadooda foosha xun
4- Ma bannaana in lagu biiro kooxda Alshabab ama loo fidiyo taageero nooceey doonto ha ahaatee.
5- Waxaa xaaraan ah in la qariyo xubnaha Alshabaab, waana waajib diini ah in xubnaha Alshabab loo gacan geliyo hay’adaha ammaanka ee dawladda Soomaaliyeed ee ku shaqada leh.
6- Waxaa xaaraan ah in laga ergeeyo ama laga shaqeeyo sii deynta eedeysanayaasha Alshabaab ee ku jira gacanta hay’adaha ammaanka ee dawladda.
7- Waxaa waajib ku ah madaxda dawladda inay shacabka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan dhibaatada kooxda Alshabaab, muwaadiniinta Soomaaliyeedna waxaa waajib ku ah in ay dawladda ku gacan siiyaan hawlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.
Source: Jowhar