Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo kontameeyo Xildhibaan oo muddo afar cisho ku sugan Baydhabo (Warbixin)

0
950

JawaariInBaydhabo20130918_2Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Kontomeeyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa muddo afar cisho ku sugan magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ka wadaan kulamo ay la leeyihiin qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaasha iyo waxgaradka.

Kulamadan oo looga arinsanayo arrimo ay ka mid yihiin dhismaha Maamul goboleed uu yeesho Koofur Galbeed Soomaaliya oo ah lix Gobol ayaa waxaa ka taagan muran, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu isku dayayo inuu xaliyo tabashada odayaasha iyo waxgaradka beelaha Digil iyo Mirifle oo horay uga soo horjeestay Heshiiskii Addis Ababa ee dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Baay Shiine Macalin Nuurow ayaa sheegay in kulamada socda laga soo saari doono war murtiyeed, isagoo beeniyay inuu muran ka jiro qorshaha Maamul goboleedka lagu dhisayo.

“Wax muran ah kama jiro, ilaa iyo hada kulamada waa socdaan, waxaa dhowaan la soo saari doonaa war murtiyeed, Xildhibaanada waxay ogol yihiin maamul goboleedka Koofur galbeed la dhiso, sida Gobolada Bay, Bakool, Sh/Hoose, Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose”ayuu yiri Shiine Macalin Nuurow oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Mar wax laga weydiiyay banaan baxyadii dhowaan ka dhacay baydhabo iyo in dowladda la diidan yahay, ayuu sheegay in reer Baydhabo aanay dowlad diid aheyn, balse ay dulmi diid yihiin sida uu yiri.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulamada qaar ay ahaayeen kuwo adag, isla markaana Xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ay ka codsadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu aqbalo dhismaha Maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Prof. Jawaari ayaa ka dalbanayay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada inay taageeraan dowladda, isla markaana dastuurka aan lagu xadgudbin, isagoo meesha ka saarayay kalsooni kala noqoshada reer Baydhabo ee dowladda Soomaaliya.

Gobolada lixda ah ee la doonayo in Maamul goboleed loogu sameeyo ayaa waxaa ka jira maamulo kala duwan oo qeybo ka mid ah Xarakada Al-Shabaab ka arimiso, waxaana maamuladan ay isugu jiraan kuwa Gudoomiyeyaal Gobol dowladda magacawday, iyo Maamulka KMG ah ee Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, sida Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

Source: Jowhar