Gudoomiyaha G/Galgaduud Oo Sheegay In Uu Dib U Heshiisiin U Sameyndoono Bulshada Gobolka

0
1122

GudoomiyahaGalgaduud2Maamulka cusub ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in bulshada ku nool gobalkaasi ay u sameeyn doonaan dib u hushiisiin iyadoo dhinaca kalana uu sheegay in ay dhisi doonaan gole guurti oo uu gobalkaasi yeesho.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu muuhiimad gaar ah siinayo dib u heshiisiin loo sameeyo dadyowga ku nool gobolkaasi, isagoo intaa ku daray iney bilaabidoonaan shirar dib u heshiisiineed oo la isugu keenayo waxgaradka gobolka.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa tilmaamay in kaalin muhiim ah ay qaateen waxgaradka ku sugan gobolka, sidaasi darteedna ay ku tala jiraan sidii ay u sameyn lahaayeen gole guurti oo ay ku mideysanyihiin waxgaradka ku nool gobolka Galgaduud.

‘’Odayaasha guurtida ee dhaqanka wey fuliyeen arimihii ay dadka ugu aadanaayeen oo dadka ayeey islaax u sameeynayeen kana shaqeeyeen nabadgelyada maantana hadii aynu nimid waxan rabnaa ineynu sameyno golaha guurtida ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ka shaqeyndoona xasiloonida ayna kaabaan maamulada ka jira degmooyinka’’ ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Galgaduud.

Hadalka ka soo yeeray gudoomiyaha gobolka ayaa imaanaya xilli maalmihii la soo dhaafay uu kulamo xiriir ah la lahaa qeybaha kaladuwan ee bulshada ku nool gobolkaasi.

Source: Radio Muqdisho