Kadib Howl gallo ballaaran oo maanta Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxa ay ku soo qab qabteen qaar ka mid ah ganacsatada suuqaasi gaar ahaan kuwa hilibka iibiya.
Mid ka mid ah ganacsatada uu saaka saameeyay Howl galka oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada saaka howl gallada kula soo jarmaaday ay ka qaateen hanti aad u badan , qaar ka mid ah Ganacsatadana ay kaxeysteen.
Howl galkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii dhawaan uu amar ku bixiyay Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya in la bur buriyo dhismiyaasha ganacsi ee ku yalla hareeraha waddooyinka.
Shabelle