Howl galo lagu soo qabtay rag mas’uuliyiin ka ahaa degmooyin, hub iyo waxyaabaha qarxa

0
860

AlshabaabLaQabteyCiidamada gaarka ah ee dowladda soomaaliya ayaa howl galo xalay saqdii dhexe ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku soo qab qabtay dad dhowr ah, hub iyo waxyaabaha qarxa.

Howl galada ayaa lagu soo qabtay dad Mas’uuliyiin ka ahaa mid ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasoo guryahooda laga helay waxyaabaha qarxa iyo hub uu ku jiro Hoobiyaha.

Saraakiisha Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa sheegay in ilaa todobo xubnood oo qaar ka mid ah ay Mas’uuliyiin ka ahaayeen degmada Shibis la soo qabtay, kuwaasoo haatan ku xiran Xabsi ay leedahay Nabadsugida.

Wararka ayaa sheegaya in waxyaabaha la soo qabtay ay ku jireen hub waxyaabaha qarxa, iyo Drugs iyo cirbadaha dadka lagu duro dadka fulinaya weerarada is qarxinta, sida saraakiisha ammaanka ay sheegeen.

Dadka la soo qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha waaxda afaraad ee degmada Shibis, Gudoomiyaha laanta koowaad ee Calasow Dheere iyo Gudoomiyaha tabeelaha afaraad ee waaxda koowaad, iyo nin ganacsare iyo gabar haweeney ah oo guriga ay ciidamada ka soo qabteen hoobiyaha iyo hubka kale ku sugneyd.

Rasaasta hoobiyaha ee la soo qabtay ayay saraakiishu sheegeen in dhowr cisho ka hor qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho lagu soo garaacay hoobiyeyaal, isla markaana baaritaanada dheer ay sameeyeen ku ogaadaan meelaha ay u marto rasaasta hoobiyaha.

Howl galada ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qabtay miinooyin dhulka la geliyay oo laga soo helay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana howl galkan uu ahaa kii ugu ballaarnaa mudooyinkan.

Howl galkan ayaa saameyn ku yeeshay wadooyin badan oo halbowle u ahaa isu socodka degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ciidamada ay ku sugnaayeen wadooyinka waa weyn oo dhan.

 

Source: Jowhar