Human Rights Watch oo uga digtay dowladda Kenya inay dhibaato u geysato shacabka Soomaalida

0
931
Human Rights Watch
Human Rights Watch
Human Rights Watch

Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa uga digtay dowladda Kenya inay dhibaato u geystaan shacabka SAoomaalida ee ku dhaqan dalkaas, kadib markii todobaadkii hore la weeraray Xarunta Ganacsiga ee Westgate.

Soomaalida ku dhaqan xaafada Islii oo ah halka ganacsiga ugu ballaaran ku leeyihiin gudaha Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa la soo dersay cabsi iyo wal wal oo la xiriira weerarkii Westgate lagu qaaday inuu saameyn ku yeelanayo hadii dowladda Kenya qaado howl galo.

HRW ayaa ka hadashay sheegashada Al-Shabaab ay sheegteen weerarkii Westgate, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan lixdan ruux, in laga yaabo in siyaasiyiinta iyo shacabka Kenya ay sameeyaan aargoosi ku wajahan Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.

Hay’ada ayaa bayaankeeda ku sheegtay in mar walba laga fili karo shacab kenya inay dhibaateeyaan Soomaalida ku dhaqan dalkaas sidii dhacday sanadkii 2012kii oo ay dad ka caraysnaa weerar lagu qaaday gudaha dalka Kenya ay weeraro iyo dhac u gaysteen goobo ganacsi oo ku yaala xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Human Rights Watch ayaa dowladda Kenya ka codsatay uguna Baaqday in ay la hadasho Siyaasiyiinta dalkaas waxayna Hay’adu sheegtay inay siyaasiyiintu jeedin karaan hadalo kicin kara Shacabka reer Kenya, ayna markaas ka dib bilaaban karaan Rabshado ku baaha dhamaan dalka Kenya.

 

Source: Jowhar