Isu soo bax lagu taageerayay heshiiskii Addis Ababa oo lagu qabtay Muqdisho

0
982

BanaanbaxMuqdisho20130901Dibad bax lagu taageeray heshiiskii Addis Ababa ee ay ku kala saxiixdeen dowladda & Maamulka KMG ah ee Juba ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin kala duwan.

Dibad baxaan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen maamulka Gobolka Banaadir kana dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Xubo ka socday maamulka Gobolka, Guddoomiyayaasha degmooyinka iyo dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo lagu taageerayo heshiis dhawaan dalka Ethiopia ay ku kala saxiixdeen Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Juba.

Guddoomiyaha degmada Boondheere C/laahi Xirsi Wardheere “Istakiin” oo isu soo baxa hadal ka jeediyay ayaa xusay in ay sharaf weyn u tahay in dibad bax nabadeed oo lagu taaageerayo heshiiskii Addis Ababa ka dhacay in lagu qabto Taalada Daljirka Dahsoon, isagoo intaa ku daray in heshiiskaasi uu yahay mid ay soo dhaweyneyso bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiye kuxigeenka gobalka banaadir dhanka arrimaha amniga Warsame Maxamed Xasan “Warsame Joodax” oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa shaca ka qaaday u jeedada qabsoomida dibad baxa oo uu ku tilmaamay mid looga gol’leeyahay sida bulshada Soomaaliyeed ay u muujin lahaayeen taageerada ay u hayaan heshiiskaasi.

Guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa sheegay in isku soo baxani ay muhiimd weyn ugu fadhido shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir, islamarkaana ay so dhaweynayaan heshiiskii guusha xambaarsanaa ee ay dowladda Soomaaliya soo hooysay

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guleed oo gabagabadii isu soo baxa ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumada Soomaaliya ay dadaal dheer ugu jirto isku keenida shacabka Soomaaliyed, siyaasada dowladda ay tahay ka shaqeenta midnimada umada Soomaaliyed

“Heshiiska Addis Ababa ka dhacay waxa uu qayb ka yahay dadaalka ay waddo Xukuumadda Soomaaliya oo ah in guud ahaan la isu keeno shacabka Soomaaliyeed, anaguna waan soo dhaweyneynaa, waana taageersanahay dadaallada lagu xalinayo arrimaha nuucaasi oo kale” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka arrimaha gudaha

Ugu dambeyntii Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa xusay in dhawaan magaalada Muqdisho ay marti gelindoonto shirar masiirka iyo jiritaanka umada lugu badbaadinayo

“Anagu waxaan nahay umad isku af ah waxaan aaminsanay in aan is xalin karno, Shirka lagu wado in uu ka furmo Muqdisho waa mid looga hadlayo aayaha Soomaaliya, Shacabka ku dhaqan gobolka banaadir waxaa laga doonayaa inay soo dhaweeyaan shirkaasi, maadaama uu yahay mid sidoo kale la doonayo in lagu dhameystiro heshiiskii Addis Ababa, Xukuumaddana waxaa ka go’an inay soo dhaweyso fikradaha wax dhisaya” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed.