Khilaafka DF iyo Maamulka Puntland u dhexeeya oo Cirka isku sii shareerayo

0
931

MadaxtooyadaPuntland20130417Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Axmed Sheekh Jaamac oo u warramayay Warbaahinta ayaa mar kale sheegay in wax xiriir ah uusan kala dhexeyn Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Sheekh Jaamac Wasiirka warfaafinta puntland ayaa ku nuux nuuxsday in kadib markii ay uga baxday ballan qaadyadii ay u sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay iyana go’aansadeen in ay Cilaaqaadkii kala dhexeeyay ay gebi ahaanba jaraan.

“ wada shaqeyn ma leh Xukuumadda fadhisa Muqdisho iyo Maamulka Puntland” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Sheekh Jaamac.

Horay ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdi Raxmaan Sheekh Max’ed Faroole waxa uu cod dheer ku sheegay in gebi ahaanba ay kalsoonidii kala noqdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud.

Source: Shabelle